Sarkaal sare oo katirsan ururka Xisbullaata oo lagu dilay dalka Suuriya.
Warbaahinta Ururka shiiciga ah ee Xisbullaah ayaa shaaciyay dhimashada mid kamid ah Saraakiisha ugu sareysa ee ururkaas ka joogay dalka muslimka ah ee Suuriya, kaas oo ku dhintay dagaallada u dhexeeya Mujaahidiinta iyo Nidaamka Suuriya.
Sarkaalka la dilay oo lagu magacaabo Xaatim Xamaada oo caan ku ahaa Al-Xaaji Calaa ayaa lagu dilay dagaallada ka socoda magaalada Xalab, isagoo kormeeerayay malleeshiyaadka ururkiisa uga qayb galaya dagaalka lagu soo qaaday Ahlu Sunnaha Suuriya.
Sarkaalkan ayaa kasoo qabtay gudaha Xisbiga jagooyin kala gedisan, waxaana kamid ah ku xigeenka waxay ugu yeeraan Muqaawamada iyo sidoo kale mas’uulka ururka shiiciga ah ee mandiqadda Al-Qalamuun.
Sawirka Al-Xaaji Calaa ayaa lagu nashriyay baraha bulshada, waxaana laga dareemayay taageeriyaasha ururka Xisbullaata murugadooda ku aadan dilka Sarkaalkaas. Mana ahan Sarkaalkii ugu horeeyay ee lagu dilo dagaalka ka holcaya dalka Suuriya.