Taliye sare oo katirsan Ciidamada Masaarida oo lagu iqtiyaalay Al-Qaahira.
Kooxo hubeysan islamarkaana kaxeysanayay mootada dheereysa ayaa dilay mid kamid ah Taliyaasha Ciidamada Masaarida kuwooda ugu jagada sareeya, xilli uu kasoo baxayay gurigiisa.
Sarkaalka la dilay oo oo lagu magacaabo Caadil Rajaa’ii ayaa jagadiisu waxay ahayd Sarreeyo guuto, wuxuuna kamid ahaa Saraakiisha jugta culus ee ciidanka Afgembiga Masar.
Isagoo kasoo baxayay gurigiisa oo ku yaala mandiqadda Al-Cubuur ee bariga Al-Qaahira ayaa la toogtay, waxaana durba goobta ka cararay raggii weerarka geystay oo aan la ogeyn halka ay jaan iyo cirib dhigeen,
Sarreeyo Guuto Caadil ayaa kamid ahaa Saraakiishii kasoo howlgashay magaalada Rafax ee dhacda xuduud beenaadka Masar iyo Filastiiin, wuxuuna ahaa Saraakiishii horboodaysay ol olihii lagu dumiyay godadka dhulka hoostiisa mara ee Filastiiniyiintu isticmaalayeen markii lagu soo rogay go’doonka magaalada Qazza.
Sida ay sheegayaan Siyaasiyiinta Masaarida waa sarkaalkii ugu jago sareeyay oo lagu dilo meel aan ka tirsaneyn gobolka Siinaa oo ay ka howlgalaan rag Mujaahidiin ah, waxaana arinkan uu banaanka soo dhigayaa habacsanaanta sirdoonka maamulka Afgembiga Masar.