Tobanaan Ruux ayaa ku shahiiday duqeymo shalay ka dhacay Xalab.

ctm0o2aweaa1h4d

Dowladda Ruushka iyo maamulka Bashaar Al-Asad ayaa wali halkooda kasii wada duqeymaha arxan darrada ah ee ay ku laynayaan dadka Muslimiinta ah si gaar ah kuwa reer Xalab, waxaana shalay dhacy duqeymo aad u farabadan oo dad ku shahiideen.

Duqeymaha shalay oo kaliya lagu garaacay Xalab iyo deegaanada hoos yimaada waxay gaarayaan 50 duqeyn, waxaana diyaaraduhu si toos ah u garaaceen 15 xaafadood oo katirsan magaalada Xalab kuwaas oo dhamaantooda ay deganyihiin dadka Muslimiinta.

Dhimashada inta haanta la hubo ee duqeymihii shalay geysteen ayaa gaaraya 81 Ruux, halka dhaawacyadu ay gaarayaan tiro intaas ku dhow, waxaana jira dad wali ku hoos jira burburka guryaha xaafadda Al-Firdows ee magaalada Xalab oo marti gelisay inta ugu badan duqeymaha.

Xalab oo kaliya ma ahan meelaha shaly duqeymuhu ka dhaceen, waxaana Idlib, baadiyaha Ximis, iyo deegaanada dhaca duleedka Dimishiq ay iyaguna qaateen nasiibkooda ku aadan duqeymahaas, waxaana tirada ugu badan ee dhimatay ay yihiin dumar iyo Caruur masaakiin ah.

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.