Tobanaan Ruux oo dhimasho iyo dhaawac ku noqday Qarax ka dhacay dalka China.

820151313047341

Qaraxan oo ahaa mid aad u xoogan islamarkaana dhacay xilli aan la filaynin ayaa geystay khasaare farabadan oo isugu jira dhimasho iyo dhaawac, sida ay sheegayaan wararka horudhac ah oo ay baahinayaan warbaahinta Caalamka.

Qaraxa ayaa ka dhashay maadooyin walxaha qaraxa laga sameeyo oo si qarsoodi ah loogu xareeyay bakhaar weyn oo ku yaalay goobta uu ka dhacay qaraxa oo ahayd meel mashquul zaa’id ah uu ka jiray, waxaana durba goobta ku dhintay ugu yaraan toban Ruux halka 150 qof oo kalana ay kasooo gaareen dhaawacyo isugu jira kuwa fudud iyo waliba mid culus.

Magaalada uu qaraxu ka dhacay waxaa lagu magacaabaa Yulin waxayna ka tirsantahay gobolka Shankishi ee dalka Shiinaha, waxaana gudoomiyaha magaalada oo warbaahinta la hadlay uu sheegay in sidoo kale ay jiraan dhimsooyin waxyeello ay kasoo gaartay qaraxa.

Kooxaha dab damiska iyo wax badbaadinta ayaa durba soo gaaray goobta uu ka dhacay qaraxa, waxaana dhismayaasha hoostooda ay ka bixiyaan dad dhaawacyo ahaa, waxaana dhawacyada 113 kamid ah weli lagu dabiibayaa Cisbitaallada sida ay sheegtay wakaaladda wararka ee Shiinaha.

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.