War Deg-deg ah: Qarax xoogan oo goor dhow laga maqlay magaalada Baladweyne.

images

Daqiiqado kahor waxaa magaalada Baladweyne xarunta gobolka Hiiraan ka dhacay qarax xoogan oo si aad ah looga maqlay guud ahaan magaalada.

Wararka horudhac ah ee kusoo dhacay warqabadka Idaacadda Islaamiga ah ee Al-Furqaan ayaa sheegaya in Qaraxa lala eegtay Xero ay deganyihiin Ciidamada Jabuutiyaanka oo ku taalla galbeedka magaalada, waxaana Qaraxa loo adeegsaday Gaari weyn oo isku roga ah, kaas oo ku guuleystay inuu gudaha u galo Xerada islamarkaana uu kaxeynayay Ruux Naftii hure ah.

Khasaare ayaa lasoo warinayaa inuu jiro, waxaana kacsan xaaladda guud ee magaalada Baladweyne.

Wixii kusoo kordha Qaraxan waan idin soo gudbin doonnaa Bi Idnillaah.

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.