Weerar lagu qaaday xarun lagu tababaro Booliiska Baakistaan.
Wararka ka imaanaya dalka Pakistaan ayaa sheegaya in rag hubeysan ay xoog ku galeen xarun lagu tababaro Ciidamada Booliiska Xukuumadda dalkaas, iyagoona halkaas ku dilay kuna dhaawacay tiro katirsan ciidamada goobta ku sugnaa.
Xarunta la weeraray oo ku taalla meel 12KM u jirta magaalada Kuweyta ee dhacda koonfur Galbeed dalka Pakistaan ayaa wararka ka imaanaya waxay sheegayaan in 58 Askari lagu dilay halka 130 kalana lagu dhaawacay, kuwaas oo sodon kamid ah dhaawacyadooda halis yihiin.
Sarkaal katirsan Booliiska oo la hadlay warbaahinta islamarkaana diiday in magaciisa lasoo xigto ayaa sheegay in ugu yaraan shan qof oo hubeysan ay gudaha usoo galeen Xarunta Booliiska, ayna bilaabeen in rasaas ay la dhacaan ciidamada oo xilligaas ku jiray Nasiino halka qaarkoodna ay hurdayaan, wuxuuna sidoo kale sheegay in markii hore ay gacanta ku dhigeen ciidamo nool nool.
Weerarka oo dhacay gelinkii dambe ee maalintii shalay ayaa waxay Warbaahintu sheegayaan in ragga weerarka soo qaaday saddex kamid ah ay qarxiyaan suuman qarxa oo u xirnaa, halka ruux kala oo Afaraadna uu ku dhintay rasaasta la is waydaarsanayay.
Wali majirto Cid sheegatay mas’uuliyadda weerarkan khasaaraha badan dhaliyay.