Xarakada Alshabaab oo Duqeysay Saldhig Ay Ku suganyihiin Ciidamo Itoobiyaan ah.

madaafiic1Wararka Naga Soo Gaaraya Gobalka Hiiraan Bartamaha Soomaaliya ayaa ku waramaya in saaka ciidamo katirsan Alshabaab ay madaafiic ku garaaceen saldhig ay ku suganyihiin ciidamda Itoobiya.

Saldhiga La duqeeyay ayaa ku yaala Degmada Ceelcali ee Gobalha Hiiraan.

Tiro Hoobiyayaal ah ayaa ku hoobatay saldhiga.

Lama oga qasaaraha ka dhashay duqeynta loo gaystay ciidamada Itoobiya.

Dadka deegaanka ayaa sheegay in duqeynta kadib ciidamda itoobiya ay rideen madaafiic aanan la ogayn jaha dhab ah oo ay ku socotay.

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.