Yahuudda oo xoog ku galay masjidka barakeysan ee Al-Aqsaa.

420162410842444

Wararka ka imaanaya magaalada Al-Qudus ee dhulka Filastiin ayaa ku waramaya in tobanaan katirsan dadka Yahuudda ah oo ay la socdaan ciidamada Booliiska mamaulka Natanyahu ay xoog ku galeen masjidka barakeysan ee Al-Aqsaa.

Kooxaha Yahuudda oo u socodo koox koox ayaa isku dayaya iyagoo wata ciidamo ilaalo ah iney galaan gudaha Masjidka islamarkaaana ay ku oogaan cibaadaadkooda baadhilka ah, balse waxaa arinkaas is hortaagay dadka Muslimiinta ah ee Ribaadka kaga jira Masjidka.

Maamulaha guud ee Masjidka Al-Aqsaa Sheekh Cumar Al-Kaswaani ayaa sheegay in dadka difaacaya Masjidka ay ku guuleysteen iney ka hortagaan tiro Yahuud ah, balse wuxuu Sheekhu sheegay in inkabadna boqol Ruux oo Yahuud ah ay Ciidamada Booliisku gudaha usoo geliyeen Masjidka.

Ciidamada Booliiska ayaa taas bedelkeeda waxay xireen inta badan magaalada Al-Qudus iyagoona dhanka kale u diidaya dadka Muslimiinta ah iney gudaha u galaan masjidka Al-Aqsaa si ay ugu cibaadeystaan.

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.