Akhriso:Al-Qaacida oo war kasoo saartay hogaamiye sare oo uga shahiiday dalka Afqaanistaan.
Hogaanka ugu sareeya Mujaahidiinta Alqaacida ayaa bayaan Taczi ah kasoo saaray istish-haadka hogaamiye sare oo katirsan Alqaacida oo dhawaan ku shahiiday dalka Afqaanistaan kadib markii ay beegsatay diyaarad drones ah oo ay leedahay dowladda Maraykanka.
Bayaanka oo ku qornaa luuqadda Carabiga islamarkaana ay baahisay mu’assasada As-Saxaab oo ah garabka warbaahinta u qaabilsan Al-Qaacida ayaa lagu xaqiijiyay istish-haadka hogaamiye Faaruuq Al-Qaxdhaani oo kasoo jeeda dalka Qadar isaga, Caruurtiisa, xaaskisa iyo tiro katirsan Mujaahidiinta.
“ waxaan Nafteena iyo umadeena muslimka ah ugu tacziyeyneynaa Istish-haadka koox katirsan geesiyaasheeda , kuwaas oo geeriyooday iyagoo kula dagaalamaya Saliibiyiinta dhulka Afqaanistaan ee muslimka ah, waxaana ragaas shahiiday ugu horeeya Sheekh Faaruuq Al-Qaxdhaani Al-Qadhari Taqabalahullaah kaas oo ahaa hogaamiyaha guuto milliteri oo ka howlgasha gobollada Nuuristaan iyo Koner ee dalka Afqaanistaan kaas oo wacdaro la yaab leh oo ku aadan dagaalka, samirka iyo waxyeeleynta Maraykanka ka dhigay isagoo la jira walaaladiisa Imaarada Islaamiga ah sanado xiriir ah dhulka Afqaanistaan” .
Hogaanka Mujaahidiinta waxa uu xaqiijiyay in dhowr jeer ay Maraykanku isku dayeen iney dilaan Sheekh Faaruuq balse uu Alle ka badbaadiyay, hase yeeshee markan ay go’aansadeen iney ku kacaan majzaro naxdin leh kadib markii ay ku duqeeyeen walaalka isagoo la jooga caruurtiisa iyo Ehelkiisa, waxaana sida lagu xaqiijiyay bayaanka la shahiiday sheekh Faaruuq xaaskiisa iyo Caruurtiisa.
Bayaanka waxaa lagu sheegay in dembigan ay geystay Maraykanka uu ku daba feylayo silsilado Jariimoooyin ah oo uu Maraykanku weli ka wado dalalka Islaamka sida Afqaanistaan, Ciraaq, Suuriya, Maali, Soomaaliya iyo meelo kale.
Gebegebada Bayaanka waxaa lagu hambalyeeyay howlgallada Jihaadiga ah ee Imaarada Islaamiga ah kawadaan dhulka Afqaanistaan, waxaana si gaar ah loogu soo hadal qaaday weerar Istish-haadi ah oo dhawaan Mujaahid katirsan Imaarada Islaamiga ah ee Dhaalibaan uu ka fuliyay saldhiga Bagram oo ah kan ugu weyn ee Ciidamadu Maraykanku ku leeyihiin dalka Afqaanistaan, waxaana uu ku xasuuqay tobanaan Askar iyo Saraakiil cadaan ah, isagoona dhaawacay tiro aad u farabadan oo katirsan malleeshiyaadka sida gaarka ah ula shaqeeya Ciidamada Maraykanka ee ku duulay Afqaanistaan.
Alle ha ka aqbalo shahaadadiisa ,ummada muumuniinta ah badalkiisii alle ha siiyo.