Aqoon yahan Maxamed Sheekh Axmed “áqalka sare waxaa laga wadaa guriga ilaahyada”

Micnaha xildhibaan waa sharci sameeye ama sharci dejiye sidaa aawgeed waxaa kuu soo baxaysa  ama kuu caddaanaysa in uu yahay ruux falkinaya ama abuuraya wax lid ku ah sharciga allaah.

doorasho-xildhibaanAqoon yahan maxamed sheekh axmed oo ay wareysatay Idaacadda Islaamiga ah ee alfurqaan waxa uu  sheegayaa in ciddii u horeysay ee baarlamaan yeelatay tahay dowladda ingiriiska dabadeedna tubtaa dowladaha caalamka ka jiraa wada  raaceen.

Mar uu ka hadlayay waxa uu yahay aqalka sare ee baarlamanka ayuu tilmaamaay in micne ahaan uu yahay guriga ilaahyada (house of lords) .

Wuxuu ku tilmamay xildhibaanimada tilaabo Allaah looga fogaanayo ama looga dheeraanayo, isla markaana wixii dhulalka gaalada ka jiray la soo minguuriyay oo soomaaliya la keenay.

Marka laga soo tago in ay dembi weyn tahay noqoashada xubin baarlamaan wuxuu sheegayaa in kuwa iminka soomaaliya shisheeyuhu u caleemo saarayo ee aqal sare iyo aqal hoose ay ku jiraan dimbiilayaal ama dagaal oogayaal dhiigga umadda soomaaliyeed ka beec mushtari jiray.

Maxamed sheekh axmed oo hadlakiisa sii watta wuxuu carabka ku dhuftay in xlidhibaanda iyo xubnaha kaleba ka dhigan yihiin jaran jar Geed timireed lagu fuulayo kadibna la isla tuurayo, taa micnaheeduna waa in dalka lagu qabsanayo si siyaasad ahaan iyo dhaqaale ahaanba shisheyuhu u milkiyo.

Dadka soomaaliyeed ayuu ugu baaqay in ay hubka u qaataan la dagaalanka shisheeyaha iyo waxa u daacadda ah oo ay ka dhigaan xash daad qaaday haddii aanay sidaa yeelina ay la kulmayaan gumeysi ku amar ku taagleeya oo dhiigooda ku naaxa.

Halkaan Ka Dhageyso Wareysiga Maxamed-Sheekh-Axmed

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.