Askar katirsan Dowladda Federaalka oo Lagu Dilay Muqdisho.(Sawiro)

Weerar lagu qaaday sarkaal katirsanaa Ciidamada Dowladda ayaa xalay ka dhacay xaafada Suuq bacaad degmada Yaaqshiid ee Magaalada Muqdisho.

is rasaaseyn socotay muddo ayaa dhex martay ciidamada ilaalada u ahaa sarkaalka iyo xoogaga weerarka soo qaaday oo katirsanaa xarakada shabaabul Mujaahidiin.

Goobta waxaa lagu dilay laba askari waxaana si dirqi ah ubadbaaday sarkaalka weerarka la kulmay.

Afhayeenka Maamulka Gobalka Banaadir oo sawirada askarta la dilay ku baahiyay barta facebook uu ku leeyahay ayaa magacyada askarta ku kala sheegay Mukhtaar iyo Munasar.

shalay ayay ahayd markii qarax miino lala eegtay gaari Taaw ah oo kamid ahaa kolonyo maraysay jidka warshadaha ee Muqdisho.

2-askari1-askari

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.