Banaan baxyo ka dhan ah Guusha Donald oo ka soconaya dalka Maraykanka.
Muwaadiniin badan oo Ameerikaan ah ayaa si aad ah uga soo horjeeda guusha lama filaanka ah ee uu gaaray Donalad Trump, islamarkaana ku guulaystay inuu noqdo madaxweynaha Maraykanka afara sano ee soo socota.
Dadka Banaan baxaya oo u badan Taageeriyaasha Xisbiga Dimuqraadiga dalka Maraykanka ee laga guuleystay ayaa isugu soo baxay ugu yaraan todobo magaalo oo ku kala yaala gobollo kala duwan oo katirsan dalka Maraykanka, iyagoona muujiyay sida ay uga soo horjeedaan Madaxweynaha cusub.
Magaalooyinka ugu weyn ee dibadbaxyadu ka dhaceen waxaa kamid ah Shikacgo, Boostan, Los Angles, San faransisko, California, Manhtan iyo magaalooyin kale.
Banaan baxyada waxaa ka qayb qaadanaya qaybaha kala duwan ee bulshada, waxaana u badan dhalinyarada Jamaacadaha iyo Macallimiintooda, kuwaas oo Donalad ku tilmaamaya mid cunsuri ah islamarkaana halis ku ah jiritaanka dalka Maraykanka.
Banaanbayxada ayaa lagu wadaa iney sii kordhaan islamarkaana kumanaan ruux ay isugu yimaadaan magaalooyin kale oo katirsan Maraykanka, waxaana meelaha qaar dadka hortaagan ciidamada Booliiska oo ka baqaya in dadku ay gacan dhaaf sameeyaan islamarkaana iska hor imaadyo dhacaan.
Meelaha qaar Ciidamada Booliiska waxay adeegsadeen Rasaas nool nool, taas oo keentay in dad ay waxyeello soo gaarto, waxaana xaaladda dalka Maraykanka ay tahay mid qasan oo laga cabsi qabo in dagaal sokeeye lugaha ay la galaan dadka degan dalkaas oo diin, Midab iyo dhaqan intuba ku kala duwan badankood.