Bandhig Waxbarasho oo Lagu Qabtay Saakow.(Sawiro+Maqal)
Bandhig Cilmiyeedka oo loo riyaaqay waxaa usoo daawasho tagay dadka degan saakow.
Waxaa Mushaarikeeyay qaar kamid ah ardayda wax ku barta madaarista iyo macaahida Magaalada.
Waxaa bandhiga qeyb ka ahaa su’aallo xiiso badan oo la dhex dhigay dadka usoo daawasho tagay.
Cida garata su’aalahana waxa lasiinayay hadiyado ay ku faraxdo.
Multaqaha waxaa daah furay Machadka ibnu cabaas Ee Culuumta Sharciga waxaana loo yeeray laba arday oo ka scda Machadka kuwaasi oo soo kala jeediyay khudbado ku baxay luqadaha Carabiga iyo Soomaaliga.
Khudbadaha oo umuuqday kuwa is fasiraya ayaa fariin udiriyay waalidka oo ku aadan tarbiyada caruurta.
Ganacsatada Degmada Saakow oo ukala Baxay Laba Majmuuco oo kala wata Magacyada Abuubakar Sadiiq iyo Cumar ibnu khadaab ayaa waxaa dhex maray tartan xiiso lahaa.