Bulshada Jubooyinka oo Ka Hadlay Doorashooyinka.(Maqal)
Marar Badan waxaa dib udhac uu ku yimid doorashada Shisheeyuhu Abaabuleen ee Lagu doonayo in lagu soo doorto dowlada badasha tan waqtigeedu dhamaaday ee uu madaxda uyahay Xasan Sheekh.
Doorashada dhacaysa sanadkaan ayaa waxaa ku xeeran caqabado ay ugu weyntahay dhanka ammaanka.
Hadaba Qaar kamid ah Shacabka Ku Dhaqanka Wilaayada Jubooyinka oo ay waraysatay idaacadda Alfurqaan ayaa cabiray afkaartooda ku aadan Doorashada.
Shacabka ayaa sheegaya in waxa socda aanan Doorasho lagu tilmaami karin oo ay tahay tillaabo looga badal qaadanayo kuwa shisheeyaha ku adeegteen ee ku fashilmay hirgalinta waxa laga rabay.
Dowladaha isaga danbeeyay Muqdisho ayay sheegeen inay ahaayeen kuwa dabo dhilif ah oo shisheeyuh dhiseen.
madaxweynayaasha tira badan iyo maamul gobaleedyada ayay sheegeen in looga gol leeyahay in dalka lagu kala jaro oo mid kasta laga fushto danaha laga leeyahay.
Cid kasta oo lasoo doorto ayay sheegeen inaysan matalin umaddaan islamarkaana ay mari doonaan wadadii ay mareen kuwii iyaga ka horeeyay.