Ciidamo Ajaaniib ah oo weeraray Magaalada Tooratoorow ee Shabeelaha Hoose.

maraykanCiidamo si dhab ah aanan loo ogayn dalka ay udhasheen ayaa xalay soo weeraray magaalada Tooratoorow oo kamid ah Magaalooyinka Shabeelaha Hoose ee Gacanta ugu jira Xarakada Shabaabul Mujaahidiin.

Diyaarado kuwa qumaatiga ukaca ah ayay ciidamada kasoo daateen, waxaana ay usoo dhaqaaqeen dhanka Magaalada.

Miino wadada loogu aasay ayaa la kacday askarta, waxaana ka dhashay qasaaro xoogan.

Ciidamada Xarakada Alshabaab oo sida muuqata ka war hayay dhaqdhaqaaqa ciidamada shisheeye ayaa dagaal adag kala hortagay ciidamda huwanta ah.

Dadka deegaanka oo la hadlay idaacadda alfurqaan ayaa sheegay inay arkeen dhiig daadsanaa halka qaraxa lagula beegsaday ciidamada.

wax war ah kama soo bixin xarakada shabaabul Mujaahidiin,mana jirto cid si degdeg ah usheegatay mas’uuliyada weerarka fashilmay.

Ma ahan weerarkii ugu horeeyay ee shisheeye kusoo qaadaan Magaalada Tooratoorow oo ay amni ku haystaan dadka ku dhaqan.

weerarka lagu soo qaaday magaalada ayaa kusoo aadaya xili Dowladda Maraykanka  ay  ballaariyey awoodda ay ku weerarayso xarakada Alshabaab.

You might also like
1 Comment
  1. abufatima says

    Tuug weeye gaalkuye toobiyaha u soomaro tartiib miino ugu xira
    Taar iyo usura xagal tuhmo yanaay galin abid basaas yuu tabtiin helin
    Taleefoon laraaciyo tusba yaanu soo helin tacliin tii dagaal kana waa aad taqaaniin
    Tafa gaab wayaaniyo Tigree iyo sawaaxili baqay toore jeexiye u tabaabushaystoo.
    Tiim kastoo kufrigu diro toban toban u laayoo tirtiroo xasuuqoo yaanay tagin ayagoo nool

Leave A Reply

Your email address will not be published.