C/raxmaan Cabdishakuur”Waxaa Suuragal Ah in Amisom Goobo kale Ka Baxdo.(Maqal)
Cabdiraxmaan Cabdi shakuur waxa uu ahaa wasiirkii hore qorshaynta Dowladii Shariif Sheekh Axmed.
Waa Siyaasi kamid ahaa Raggii iibsaday Badda Soomaaliya isagoo heshiis la galay Dowladda Kenya xili uu matalayay Dowladii Shariif.
Cabdraxmaan Cabdishakuur xiligaan waa musharax utartamaya xilka madaxtinimada waxaana la sheegaa inuu kamid yahay ragga ay Waaan Dowlado ay kamid tahay Kenya.
Waraysi Laga Qaaday ayuu Dhinacyo badan kaga hadlay isagoo sida looga bartay ganafka ku dhuftay inuu iibsaday badda.
Cabdiraxmaan Cabdishakuur waxa uu dowlada xasan sheekh ku dhaliilay inay isku koobtay awoodii dowlada iyo dhaqaalaha.
“Maanta waxaa marti loo yahay ajnabi, waxay ka baxeen sideed meel goobo kalana wey ka baxayaan”ayuu yiri Cabdiraxmaan Cabdishakuur isagoo sheegay in dowladu aysan dhisin ciidan awood leh oo la wareegi kara goobaha ay ka baxaan shisheeyah.