Daawo: Idaacadda Al-Furqaan oo filim ka diyaarisay waxqabadka hay’adda Al-Ixsaan.

vlcsnap-2016-11-17-14h04m57s736Qabyta muuqaalka Idaacadda Islaamiga ah ee Al-Furqaan ayaa baahisay Filim loogu magac daray “ Jamciyadda Al-Ixsaan iyo daryeelka bulshada” kaas oo lagu soo bandhigay jaanib kooban oo kuu muujinaya waxqabadka Hay’adda khayriga ah ee Al-Ixsaan ka wado Wilaayaadka Islaamiga ah ee dhaca bartamaha iyo koonfurta Soomaaliya.

vlcsnap-2016-11-17-14h42m41s827

Filimkan oo ah qaybta koowaad taxane lagu soo bandhigi doono howlaha ay Jamciyadda Al-Ixsaan ee isugu jira qaybtinta Raashiinka, iyo daweynta dadka Muslimiinta iyo xoolaha nool ay ka qabato Wilaayaadka Islaamiga ah ayaa xalqadiisa koowaad waxaa lagu soo bandhigay gurmad ay hay’adda Al-Ixsaan la gaartay dadka Muslimiinta ah ee ku nool Wilaayada Islaamiga ah Mudug gaar ahaan xarunteeda magaalada Xarar-dheere.

vlcsnap-2016-11-17-14h42m53s572

Waxaa Filimka lagu daawanayaa dad yow isugu jira Rag iyo dumar oo loo qaybinayo noocyada kala duwan ee Raashiinka, waxaana sidoo kale lagu arkayaa Filimka waxgaradka Wilaayada Mudug oo tallaabada ay hay’addu qaaday ka mahad celinaya.

vlcsnap-2016-11-17-14h47m52s536

 

You might also like
3 Comments
  1. cabdi says

    Asc radio alfurqaan aad ayaad umahadsantihiin lkn sawiro ayaan arkay muuqaalka weli ma arkin balse waan sigaaa inshaa allaah

  2. Farxaan al xanafi says

    Asc wllhy aad ayaan idiin salamayaa
    Gaar ahaan wllha shaqaalaha idaacadda alfurqaan waxaad markasta noosoo gudbisaan arimo farxadle annagoona joogin dhulka mujahidiinta alle dartii ayaan idinku jeclahay
    جزاكم اللّه خير ا الجزا وأحسن اللّه اليكم

  3. zaki says

    masha.allaah idaacada alfurqaan halkiina kasii wada howsha aad bulshada uu haysan

Leave A Reply

Your email address will not be published.