Dab xoogan oo ka kacay goobo kala duwan oo katirsan dhulka Yahuuddu xooga ku haysato.
Dhulka Yahuuddu xooga uga haysato Muslimiinta Filastiin ayaa waxaa laga soo sheegayaa iney ka kaceen dab xoog badan oo si dhaqsi leh ugu fidayo magaalooyin iyo goobo hor leh.
Dabkan oo ah mid aad u ballaaran ayaa ka kacay 13 goobood oo ay ku jirto magaalada Al-Qudus, Macluuf, Al-Jaliil iyo kuwa kale, waxaana ay ku socdaan si xowli ah iyagoona baaba’iyay dhirta noocyadeeda kala duwan.
Dab damiska Maamulka Yahuudda ayaa isku dayaya iney damiyaan dabka islamarkaana ka hortaaan balse way u suura geli la’dahay, waxaana war kasoo baxay Ra’iisul wasaaraha Yahuudda uu kaalmo kaga codsaday dowlado badan oo katirsan Caalamka oo ku aadan iney usoo diraan diyaarado dab damis ah.
Lama oga waxa kiciyay dabkan, waxaase Natanyahu uu shaki ka muujiyay iney ku lug leeyihiin dad aanu cararabaabin, iyadooona lasoo sheegayo in la xiray saddex Ruux oo katirsan shaqaalaha dab damiska oo looga shakiyay iney ka dambeeyaan dabkan kacay.