Dagaallo ka dhacay gobolka Al-Baydaa ee dalka Yaman.

stock-vector-yemen-political-map-with-capital-sanaa-national-borders-and-most-important-cities-english-215564950

Saacadihii lasoo dhaafay waxaa dagaallo xoogan ay ka dhaceen gobolka Al-Baydaa ee dalka Yaman, kuwaas oo dhexmaray ciidamo katirsan kuwa Qabaa’ilka iyo malleeshiyaadka Xuuthiyiinta oo taageero ka helaya kuwa Cali Cabdalla Saalax madaxweynihii hore ee dalkaas.

Dagaallada oo ahaa kuwa xoogan islamarkaana la isku adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan ayaa wararka nasoo gaaraya waxay tibaaxayaan in khasaare lagu gaarsiiyay malleeshiyaadka Xuuthiyiinta, islamarkaana laga gubay gawaari dagaal.

Mustafa Al-Baydaawi oo ah maamulaha xarun warbaahineed oo taageerta ciidamada Qabaa’ilka ayaa sheegay in dagaallada ay ka dhaceen degmooyinka Walad Rabiic iyo Sowmaca, isagoona intaa ku daray in ugu yaraan 9 Askari oo isugu jira Xuuthiyiinta iyo kuwa Cali Cabdalla Saalax lagu dilay dagaalladaas.

Gobolka Al-Baydaa oo dhaca bartamaha dalka Yaman ayaa kamid ah gobollada sida adag uga socdaan dagaallada lagula jiro Xuuthiyiinta shiicada ah, waxaana si firfircoon uga howlgala Mujaahidiinta Alqaacida iyo kuwa Qabaa’ilka.

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.