David Betray oo la filayo inuu noqdo wasiirka arimaha dibadda ee Maraykanka.

120151041110

Madaxweynaha cusub ee loo doortay talada dalka Maraykanka ninka lagu magacaabo Donald Trump ayaa kulan la yeeshay taliyihii hore ee sirdoonka Maraykanka David Batriyos.

Kulanka oo ahaa mid qaatay hal saac oo kaamil ah ayaa labada nin waxay uga hadleen arimo kala duwan oo quseeya siyaasadda Maraykanka, waxaana warbaahinta Maraykanku sheegayaan in la filayo in Betrayos loo dhiibo wasaaradda arimaha dibadda ee Maraykanka.

Marka uu kulanka u dhamaaday ayaa David Betryos wuxuu Shir jaraa’id u qabtay Warbaahinta isagoona sheegay in Donald Trump uu yahay qof aragti dheer islamarkaana la fiirin doono sida uu ula tacaamulo howlaha hor yaala.

Donald Trump ayaa dhankiisa kale bart Twitterka qoraal uu kusoo qoray ku sheegay inuu ku faraxsanyahay kulanka uu la qaatay Betriyos.

Trump oo ay aad ugu fogtahay cadaawada Muslimiinta u qabo ayaa dhowr jeer oo hore wuxuu sheegay in dalka Maraykanka uu ka eryi doono Muslimiinta, wuxuuna hadalo uu jeediyay si gaar ah ugu weeraray Soomaalida Minnesota degan.

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.