Donald Trump oo Malaayiin Ruux ka eryi doona Maraykanka.

trump

Madaxweynaha Cunsuriga ah ee dalka Maraykanka Donald Trump ayaa wareysigii ugu horeeyay ee lala yeesho tan iyo markii loo doortay madxweynaha dalkaas waxa uu kaga hadlay go’aankiisa ku aadan dadka soo galootiga ah ee Maraykanka degan.

Donald Trump oo looga bartay nacaybka fog ee uu hayo dadka Muslimiinta ah iyo kuwa madowga ah ayaa sheegay in si deg deg ah uu dalka Maraykanka kaga saari doono kudhowaad 3 Malyan oo Ruux oo soo galooti ah, oo uu ku tilmaamay in si sharci darro ah ku joogaan dalkaas.

Waraysi uu siiyay Tvga CBS ee ka howlgala dalka Maraykanku ayuu madaxweynaha Maraykanka Donald Trump ku sheegay in sidoo kale ay xabsiga dhigi doonaan saddexdaas Milyan hadii ay suura geli wayso in dalka laga saaro.

Hadalkan ayaa muujinaya sida Donalad uu u doonayo inuu ka dhabeeyo ballan qaadyo badan oo uu sameeyay markii uu waday Ololaha doorashada ee uu ku doonayay qabashada talada Maraykanka, waxaana mudooyinka soo socoda la filan karaa inuu qaado tallaabooyin dhowr ah oo ku aadan ballanqaadyadiisa.

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.