DEG-DEG:Donald Trump oo noqday madaxweynaha Maraykanka.!!!

kadib Saacado xiriir ah oo dadka Maraykanku u codeynayeen cida noqon doonta madaxweynaha dalka Maraykanka Afarta sano ee soo socota ayay si buuxda u doorteen inuu dalkaas ka taliyo ninka lagu magacaabo Donald Trump oo kaga duwan madaxda Maraykanka inuu banaanka soo dhigo cadaawada uu u qabo Muslimiinta.
Hellary Clinton oo la tartameysay Donald ayaa guul daro qaraar dhabarka loo saaray, waxaana si aad ah uga hor maray ninka la tartamayay ee Millionerka ah laguna magacaabo Donald J Trump.
274 Cod ayuu helay Donald Trump, halka Hellary Clinton ay heshay codad gaaraya 215, waxaana meelaha qaar lagu arkayay taageeriyaasha Clinton oo barooranaya.
Saacadaha soo socoda ayaa la filayaa in Donald uu jeediyay khudbadiisa ugu horeysay tan iyo markii uu qabtay xilka Madaxtinimada dalka Maraykanaka.