Dhageyso Abuu Muscab oo Ka Hadlay Ciidamo Dhankooda isku soo Dhiibay.

Sh-Abuu-MuscabAfhayeenka Ciidamada Shabaabul Mujaahidiin Sheekh Cabdal casiis Abuu Muscab oo bixiyay wareysi ayaa ka hadlay arimo badan oo ay ku jiraan weerar habeen hore ciidamo ajaaniib ah kusoo qaadeen Magaalada Tooratoorow iyo ciidamo kasoo goostay dowladda oo dhankooda soo gaaray.

Waxa uu sheegay in maalmihii lasoo dhaafay ciidamo badan ay dhankooda soo gaareen iyaguna ay soo dhaweeyeen.

Ciidamada kale ee Dowladda ku jira ayuu ugu baaqay inay towbad keenaan oo ay lasoo tagaan wixii hub ah si faqriga ay kaga baxaan.

Abuu Muscab waxa uu dhanka kale ka hadlay weerar fashilmay oo habeen hore ciidamo Maraykanka ah ay kusoo qaadeen Magaalada Tooratoorow ee shabeelaha Hoose.

Ciidamada soo duulay ayuu sheegay inay la laabteen jab iyagoo aanan gaarin wax natiijo ah.

Halkan Ka Dhageyso Wareysiga Abuu Muscab.

 

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.