Diyaaradaha Aala-Sucuud oo duqeeyay Magaalada Sancaa.

1120162111398955

Wararka ka imaanaya magaalada Sancaa ee caasimadda dalka Yaman gacantana ugu jirta malleeshiyaadka Xuuthiyiinta ah ayaa ku waramaya in diyaaradaha Nidaamka Aala-Sucuud ay duqeeyeen fariisimo milliteri oo ay leeyihiin Xuuthiyiinta.

Duqeymaha oo ahaa kuwa xoogan islamarkaana is xig xigay si weyna looga maqlay magaalada Sancaa ayaa waxaa lagu garaacay saldhig ciidan oo ay ku suganyihiin malleeshiyaadka Xuuthiyinta kaas oo ku yaala daafaha magaalada Sancaa.

Lama oga khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay duqeyntan, waxaana ay kusoo eegmeysaa iyadooo ay burburtay guud ahaan xabad joojintii dhawaan looga dhawaaqay dalka Yaman.

Dagaalka u dhexeeya Xuuthiyiinta iyo qaar kamid ah dowladaha Carabta oo taageero siinaya Cabdi Rabbi Haadi ayaa sii dheereenaya, waxaana labaatan bilood laga joogaa markii Aala-Sucuud uu ku dhawaaqay weeraro dhanka hawada ah oo ka dhan ah Malleeshiyaadka Xuuthiyiinta.

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.