Dowladda Turkiga iyo Midowga Yurub oo khilafaad uu soo kala dhexgalay.

72016162397471-1

Maamulka Cilmaaniga ah ee ka taliya dalka Turkiga ayaa u xusul duubaya sidii uu xubin uga noqon lahaa Midowga Yurub oo ah isbahaysi ay ku mideysanyihiin inta badan dowladaha ku yaala qaaradda Yurub.

Gudoomiyaha Baarlamaanka Yurub ninka lagu magacaabo Sholtaz ayaa maalintii Axadda waxa uu shaaca ka qaaday in Midowga Yurub looga baahanyahay inuu ka fakaro tallaabooyin dhaqaale oo uu qaadi karo, waxaana hadalkaas uu si dadban ugu socday dowladda Turkiga.

Madaxweynaha Turkiga Rajab Dhayib Ordogan ayaa si caro leh uga jawaabay hadalka kasoo yeeray gudoomiyaha baarlamaanka Yurub, wuxuuna sheegay in dhankiisa uu ka fakari doono iney ku biirayaan Midowga Yurub ama ka laabanayaan dadaalada ay ku doonayeen arinkaas.

Shacabka Turkiga ayuu ugu baaqay iney sabraan tan iyo dhamadka sanadkan, waxaana markaas kadib la filayaa in afti dadweyne loo sameeyo in Turkiga ay ku biireyso Midowga Yurub iyo iney ka joogsaneyso intuba.

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.