Duqaymo Cadowtooyo oo culus ayaa ku soconaya magaalada Xalab.
Dowladda Ruushka oo taageereysa maamulka Mujrimka ee Bashaar Al-Asad ayaa duqeymo u muuqda dabargoyn waxay kawadaa maalmihii aynu soo dhaafnay magaalada Ahlu Sunnaha leeyihiin ee Xalab, halkaas oo sanado xiriir ay xaafado kamid ah ay ku jirto go’doon adag.
Labadii maalmood ee lasoo dhaafay waxay dowladda Ruushka billowday duqeymo noocyo kala duwan leh, sida duqeymaha ay geystaan diyaaradaha, madaafiic dheereysa oo ay ridayaan baabuurta gaashaman ee Ciidamada Ruushka, waxaana si arxan darro ah oo aan kala joogsi lahayn u duqeynayaan xaafadaha bari ee magaalada Xalab.
Tan iyo maalintii Talaadada waxaa duqeymaha dhacay ku shahiiday dad gaaraya kudhowaad 300 Ruux oo u badan dumar iyo Caruur masaakiin ah, halka dhaawacyadu yihiin kuwa intaas kabadan.
Diyaaradaha Ruushka ayaa si ula kac ah waxay u duqeynayaan xarumaha Caafimaadka, waxaana hadafka ka dambeeya uu yahay in la waayo goob caafimaad oo dadka dhaawacan lagu dabiibo, inta ay duqeymuhu socdaana waxaa jira xarumo caafimaad oo gebi ahaanba dhulka lala simay kuwaas oo hadda xirmay.
Saaka oo Axad ah waxaa lasoo sheegayaa in duqeymo xoogan ay marti gelisay magaalada Xalab, waxaana jira dad shuhado ah iyo kuwa dhaaawac ah, waxaana dadka shahiiday ku jira qoys ka kooban lix ruux oo gebi ahaantoodaba shahiiday kadib markii lagu garaacay sawaariikh sumeysan.
Majirto cid is hortaageysa falalkan cadowtooyo ee Ruushku ka wado Suuriya, waxaana Qaramada Midoooba ee ku caan baxday Nifaaqa iyo wax isdaba marinta ay ka badin waysay cambaareyn mararka qaar ah, halka inta badan ay ka aamusantahay waxaa ka dhacaya Suuriya.