Duqeyn iyo dagaal ka kala dhacay Buufow iyo Ceelbaraf
Ciidamada Xarakada Shabaabul Mujaahidiin ee ku kala firarsan Gobalada Shabeelaha Dhexe iyo Shabeelaha Hoose ayaa qaaday weeraro isagu jiray duqeyn iyo dagaal fool ka fool ah oo ka dhan ah Ciidamada Shisheeye.
Ciidamada Shabaabul Mujaahidiin kuwooda madaafiic ku raran ayaa saaka duqeeyay saldhig Ciidamada Burundi Ku leeyihiin Magaalada Ceelbaraf ee shabeelaha dhexe.
waxaa la arkayay qiiq ka baxayay xerada iyadoo aanan si dhab ah loo sheegi karin qasaaraha ka dhashay duqeynta.
waa marki sadaxaad oo la duqeeyo Ceelbaraf muddo 10 Cisho ka yar.
Dhanka kale dagaal xoogan ayaa xalay lagu qaaday Ciidamada shisheeye ee saldhiga ku leh deegaanka Buufow ee Duleedka Magaalada Marka shabeelaha Hoose.
Ciidamada Mujaahidiinta ayaa laba dhinac ka weeraray saldhiga.