Gaari dagaal iyo raggii saarnaa oo Towbad keen ah oo isku dhiibay Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab.

kismaayo-6

War goordhow kusoo dhacay warqabadka Idaacadda Al-Furqaan ayaa tibaaxaya in Askar katirsan dowladda Federaalka oo aad u hubeysan ay isku soo dhiibeen maamulka Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab.

Labo Askari oo wata Gaari nooca Cabdi bile ah islamarkaan ku rakibanyahay qori Dhashiike ah kuwaas oo kasoo tagay magaalada Baraawe ayaa isku dhiibay maamulka Wilaayada Islaamiga ah ee Shabeellaha hoose.

Waxay sidoo kale labadan Askari wateen Qori BK ah, qori AK47 ah iyo waliba RBG oo soomaalidu u taqaano Baasuuke.

Firxadka ciidanka dowladda ee towbad keenka ah ayaa si aad ah looga dareemayaa Wilaayaadka Islaamiga ah ee Soomaaliya.

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.