Hogaamiyihii hore ee CUBA Oo geeriyooday.
Sida uu baahiyay tvga dalka Cuba waxaa geeriyooday madaxweynihii hore ee dalka Cuba ninka lagu magacaabo Fidel Castro oo sanado xiriir ah maamuli jiray dalkaas, islamarkaana ahaa madaxweyne Ku ad adag dowladaha reer galbeedka.
Fidel Castro oo ku geeriyooday da’da 90 ayaa tobankii sano ee lasoo dhaafay wuxuu ahaa bukaan jiif ay soo riteen xanuuno kal duwan, isagoona lagu dabiibayay Cisbitaal ku yaala dalka Cuba.
Madaxweynaha haatan maamula dalka Cuba oo lagu magacaabo Ra’uul Castro ayna walaalo yihiin Fidel Castro ee hadda geeriyooday oo la hadlay warbaahinta ayaa xaqiijiyay in walaalkiisa uu geeriyooday saqdii dhexe ee xalay.
Fidel Castro ayaa dalka Cuba usoo jiiday cadaawada wadamada Reer galbeedka iyo Maraykanka, iyadoona lawada ogyahay in wax kudhow konton sano uu dalka Cuba go’doonsanaa inkastoo madaxweynaha Maraykanka Brack Obama uu ka qaaday cuna qabateyntaas kadib markii uu heshiis dhexmaray isaga iyo dowladda Cuba.