Iiraan oo qirtay in kun Askari looga dilay Suuriya.
Dowladda Iiraan oo kumanaan Askari ay ka joogaan dalka Suuriya, kuwaas oo ka barbar dagaalama malleeshiyaadka Shabiixada Bashaar Al-Asad ayaa boqolaal Askar iyo Saraakiil sar sare ku waysay dagaalka ka socoda dalkaas.
Mas’uul sare oo Iiraani ah islamarkaana madax ka ah hay’ad daryeesha qoysaska Malleeshiyaadka Shiicada ah ee ku dhinta dagaallada Suuriya oo lagu magacaabo Muxamed Cali Shahiidi oo waraysi siiyay wakaaladd wararka ee Tasniin oo laga leeyahay dalka Iiraan ayaa sheegay in tirada ciidamada ku dhintay dagaalka Suuriya ay markan gaareen kun Askari.
Tiradan uu sheegay sarkaalkan ayaa aad uga badan tiro uu dhawaan sheegay sarkaal sare oo katirsan ciidanka kacaanka oo sheegay in askarta looga dilay Suuriya ay gaarayaan 400 oo Askari.
Dowladda Iiraan ayaa dhowr jeer oo hore beenisay in ciidamo dagaalamo ay ka jogaan dalka Suuriya, waxaana ay ku gaabsataa in tababarayaal ay ka joogaan dalka Suuriya oo talooyin dhanka ciidanka ah siiya malleeshiyaadka Nusayriyada, balse boqolaalka Askar iyo Saraakiil ee looga dilay saaxaadka dagaalka ayaa beeninaya arinkaas.
Ilaahay naarta ha ku fogeeyo .