Dhaliban: Weerarkii Mazaar Shariif waxaan ku leynay dhamaan wixii Qunsuliyadda ku jiray.

Mazar-e-Sharif : Afghan security forces surround a house which is used by a group of gunmen to attack on the Indian Consulate in Mazar-e-Sharif, capital of northern Balkh province, Afghanistan, Monday, Dec. 4, 2016. An Afghan official says heavily armed gunmen are still holed up in a building next to the Indian Consulate and that a gunbattle is underway with Afghan forces. AP/PTI(AP1_4_2016_000242B)

War faafaahsan oo lagu daabacay Websitka Majallada Al-Sumuud ay ku leedahay barta Internetka ayaa lagu faafaahiyay howlgalki isugu jirtay Isttish-haadiyaha iyo Inqimaasiyada ee shalay Mujaahidiintu ku qaadeen Qunsuliyadda dowladda Jarmalka ay ku leedahay magaalad Mazaar Shariif ee katirsan gobolka Balakh.

Imaarada Islaamiga ah ayaa sheegtay in howlgalkaas halyeynimo ee ay ku qaadeen dhismo loo bixiyay Qunsuliyad balse ahaa xarun Sirdoon ugu horeyn lagu daahfuray weerar Istish-haadi ah oo loo adeegsaday gaari weyn oo laga soo buuxiyay walxaha Qarxa, kaas oo dhulka dhigay guud ahana dhismaha Qunsuliyadda, waxaana durba halkaas ku geeriyooday inta badan ciidamada Jarmalka ee ilaalada Qunsuliyadda iyo Mas’uuliyiintii goobta ku sugnaa.

Ilbiriqsiyo kadib Saddex Mujaahid oo Inqimaasiyiin ah ayaa gudaha u galay dhismaha lagu burburiyay Camaliyadda, waxaana ay goobta ku toogteen guud ahaan Ciidankii iyo madaxdii ku dhaawacantay Istish-haadiyada iyo kuwii aan wax gaarin balse jugta Camliyadda ay dhega tirtay, sida lagu sheegay bayaanka faafaahsan ee lagu nashriyay webka ay Internetka ku leedahay Majalladda Al-Sumuud.

Mujaahidiinta ayaa adkeeyay in guud ahanba wixii Qunsuliyadda joogay ay goobta ku dileen, kuwaas oo isugu jira Ciidamo iyo Saraakiil kasocoda dowladda Jarmalka, waxaana Mujaahidiinta meesha ka saaraan wararka sheegaya in dad badan la badbaadiyay.

Tirada Ciidamada Jarmlka looga dilay Camliyadaas aadka u xoogneyd ayaa gaareysa tobanaan ruux, waxaana Guud ahaan goobta ku dhamaaday Saraakiishii Sirdoonka Jarmalka ee qorsheyn jiray weerarada dhanka hawada ah ee diyaaradaha Nato ka fuliyaan gobollo katrisan dhulka Afqaanistaan, kuwaas oo dad badan oo shacab ah ku shahiideen.

Bayaanka ayaa lagu beeniyay warka kasoo baxay dowladda Jarmalka ee ah in weerarkaas ay ku dhinteen 4 Ruux, halka lagu dhaawacay 120 kale oo dhamaantooda ahaa dad shacaba ah, waxaana bayaanka lagu beeniyay in Qunsuliyadda ay deganyihiin dad shacaba ah, iskaba daa iney wax gaaraane.

Saaka oo Sabti ah ayaa waxaa xiran guud ahaan wadooyinka soo gala qunsuliyadda Jarmalka ee magaalada Mazaar Shariif, waxaana xitaa goobta loo diiday iney kasoo ag dhawaadaan Booliiska Xukuumadda dabadhilifka Afqaanistaan, halka Wariyaasha loo sheegay ineysan kasoo ag dhawaan karin dhismaha Xarunta.

Weerarka ayaa wuxuu fariin u ahaa dowladda Jarmalka sida lagu sheegay Bayaanka, waxaana lagu baraarujiyay in Mujaahidiintu marnaba dhaafi doonin cid waliba oo ku lug lahaata dagaalka lagula jiro Muslimiinta Afqaanistaan, wuxuuna weerarkan aargud u ahaa sida ay Mujaahidiintu sheegeen dad Muslimiin ah oo dhawaanahan ku shahiiday dalka Afqaanistaan kadib markii ay si xun u beegsadeen diyaaradaha Maraykanka.

You might also like
1 Comment
  1. abufatima says

    Halyey inay yihiin reer afgan raadiyuhu sheehgye
    Rag Ilahay barakeeyey oo ruuxle wee yaane
    Soomaalida sideed uma ruc layn gaal uma rukuucaane
    Raq doodaa Libaaxyadu baqi umana rooraane
    Raad koodu meejii u maro ruush ma fiirshaane
    Risaaladay dhigeen buu kufriga baqo raq leeyaaye
    Rabiyow ku guulee dagaal raayadiis lule,e

Leave A Reply

Your email address will not be published.