Imisa Ameerikaan ah ayaa lagu dilay Weerarkii Bagram?
Waaberigii maalintii shalay oo Sabti ahayd ayaa Istish-haadi katirsan Imaarada Islaamiga ah ee Dhaalibaan waxa uu Camliyad Istish-haadi ah ka fuliyay gudaha saldhiga Baagram oo ah saldhiga ugu weyn ee Ciidamada Maraykanku ku leeyihiin dalka Muslimka ah ee Afqaanistaan.
Weerarka oo ahaa mid aad u xoogan islamarkaana jugtiisa meela fog fog laga maqlay ayaa waxaa ka dhashay khaasaare lixaad leh oo soo gaaray Ciidamada Maraykanka iyo Malleeshiyaad katirsan Xukuumadda Kaabul balse si gaar ah ula shaqeeya Maraykanka.
War kasoo baxay Imaarada Islaamiga ah ayaa lagu faafaahiyay qaabka uu u dhacay howlgalka, iyo Ruuxa fuliyay weerarkan halyeynimo, waxaana lagu soo gudbiyay khasaaraha rasmiga ah ee ka dhasahay weerarka inta ay Mujaahidiintu ka war hayaan.
Istish-haadiga fuliyay Camliyada waxaa lagu magacaabaa Xaafid Muxamed Barawaani waxaana muda dheer uu ku dhex sugnaa Saldhiga Bagram, isagooa sugayay waqtiga ugu haboon ee uu fulin karo Istish-haadiyada islamarkaana uu khasaare lixaad leh gaarsiin karo Ciidamada Maraykanka ee ku duulay dalka Afqaanistaan.
Xilli waaberi ah oo ay Ciidamada iyo Saraakiisha Maraykanku sameynayaan Tababarka joogtada ah ee waaberi kasta la siiyo Ciidamada Maraykanka ayuu Istish-haadiga bartamaha ka dhex istaagay, isagoona fuliyay Camliyadda, waxaana halkaas ku quur baxay kuna dhaawacmay tobanaan Askar iyo Saraakiil Maraykan ah iyo kuwa kale oo Afqaanistaaniyiin ah.
Saacado kadib oo uu weerarku dhacay waxay Mujaahidiintu xaqiijiyeen in wadarta guud ee dhimashada iyo dhaawaca ka dhashay Camaliyadda ay gaarayaan 67 Ruux, kuwaas oo 23 kamid ah oo ahaa Saraakiil iyo Askar ka socota dowladda Maraykanka goobta ay ku geeriyoodeen, halka 44 ay ku dhaawacmeen kuwaas oo ahaa Malleeshiyaad si dhow ula shaqeeya Ciidamada Shisheeyaha ee ku duulay dalkas.
War kasoo baxay ururka NATO ayaa lagu sheegay in 4 Ruux ay ku dhinteen weerarkaas, islamarkaana 18 kale ay ku dhaawacmeen, lamana sheegin dalalka ay kasoo jeedaan afartaas, waxaana warkooda laga dhadhansan karaa iney qarinayaan khasaaraha dhabta ah ee halkaas ka dhashay.
Imaarada Islaamiga ah ayaa shaaca ka qaaday in qorsheynta Camliyadan ay socotay 4 bilood oo xiriir ah, islamarkaana Mujaahidiintu ku guuleysteen in Istish-haadiga iyo suunkiisa qarxaba si nabad ah lagu geliyo gudaha saldhiga, waana Thaqra amni ah oo muujineysa habacsanaanta Ciidamada Maraykanka iyo sirdoonkooda.
Maalintii kasii horeysay ee Jimcaha ahayd ayaa weerar kan ka xoog badnaa waxay Mujaahidiinta Imaarada Islaamiga ah ee Afqaanistaan ku qaadeen qunsuliyadda dowladda Jarmalka ay ku leedahay magaalad Mazaar Shariif ee gobolka Balakh halkaas oo ay ku dileen Saraakiil u badan sirdoonka Jarmalka.