Kamiin ka dhacay dalka Maraykanka oo lagu dilay Askar Booliis.

Wararka ka imaanaya dalka Maraykanka ayaa ku waramaya in weeraro kamiin oo waqtiyo kala duwan dhacay lagu dilay Ciidamo katirsan Booliiska dalka Maraykanka.
Sida uu sheegay Tvga NBC news waxaa magaalada Des Moines ee gobolka Lowa lagu dilay labo Sarkaal oo katirsanaa Boooliiska kadib markii iyagoo ku guda jira shaqadooda jidka loo galay.
Maydadka labadan Sarkaal ayaa muda kadib waxa laga helay magaalada Des Moines, iyadoona ay xusid mudantahay in aysan jirin cid illaa iyo hadda loo soo qabtay weerarkan, mana jirto cid Booliisku ku eedayeen weeraradan.
Dalka Maraykanka oo maalmo kadib lagu wado iney ka dhacaan Doorashooyinka madaxtinimada ayaa xaaladiisa amaanka waxay tahay mid halis ah, waxaana si joogta ah dalka Maraykanka uga dhaca weeraro kala duwan oo dadka geysanaya ay kala duwanyihiin, waxaana qaybta ugu badan weeraradan ku lug leh kaligii duulayaasha Muslimiinta iyo kuwa Madowga Maraykanka oo Colaad sokeeye ay kala dhexeyso cadaanka haysta talada Maraykanka.