Laba Askari oo Lagu Dilay Magaalada Muqdisho.

????????????????????????????????????

Magaalada Muqdisho shalay iyo maanta waxaa ka dhacay dilal ka dhan ah Ciidamada Dowladda Xasan Sheekh.

Wararka Naga soo gaaraya Degmada Yaaqshiid Ee Magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in xoogag hubaysan ay rasaas ooda kaga qaadeen ciidamo ku sugnaa goob isaaro ah oo ku taala xaafada Towfiiq degmada Yaaqshiid.

Nin Ka ak dhawaa halka ay wax ka dhaceen ayaa warbaahinta usheegay in laba askari ay ku naf waayeen rasaasta mid kalana uu ku dhaawacmay.

Sida Looga bartay waxaa goobta yimid maleeshiyaad dowladda katirsan xili ay si nabad ah ku tageen raggii dilay askarta.

Shalay ayay ahayd markii laba askari siyaabooyin kala duwan loogu dilay Degmooyinka Howlwadaag iyo Wardhiigley ee Magaalada Muqdisho.

Si kastaba ha ahaatee waxaa Muqdisho ku xoogeysanaya Howlgalada Alshabaab xili Dowladda iyo shisheeyaha udiyaar garoobayaan doorasho.

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.