Maalintii shanaad dhulka Yahuuddu xooga ku haysato oo gubanaya!!
Wararka ka imaanaya dhulka Yahuudda xooga uga haysato muslimiinta Filastiin ayaa ku waramaya in welli ay socdaan gubashada iyo dabka ka kacay qaybo kala duwan oo kamid ah magaalooyinka Yahuuda ay xooga ku jogaan.
Dabka oo ah mid ballaaran islamarkaana cirka isku sii shareey ayaa si xowli ah ku socoda, waxaana saacidaya faafitaankiisa dabeylo iyo abaaro xoogan oo ka jirta dhulka Yahuuda xooga uga haysato Muslimiinta Filastiin.
Dabka ayaa marba marka ka dambeysa wuxuu gaarayaa goobo hor leh, iyadoona saacadihii lasoo dhaafay ay Booliisku shaaciyeen in dabka uu gaaray deegaano ay Yahuudu deganyihiin oo dhaca duleedka daanta galbeed ee dhulka Filastiin, iyadoona deegaanada qaar dadka ay ka barakaceen.
Deegaanada Halamiish, Dooliif, Ilfi Manasha, Karni Shamroon oo dhaca duleedyada magaalooyinka Raamallaah iyo Daanta galbeed ayaa laga soo sheegayaa in dabku uu si xooogan uga socodo, waxaana diyaaradaha Yahuudda iyo kuwa dowladaha kale ee usoo gurmaday ay weli awooodi la’yihiin xakameynta musiibadan Rabbaaaniga ah ee ku habsatay Yahuudda.
Dowladaha Turkiga, Adribijaan, Ruushka, Spain, Urdun iyo Maraykanka ayaa diyaarado iyo gawaarida dab damiska ah uga qayb qaadanaya qorshaha lagu doonayo in looga hortago dabkan xoogan oo maalinkii shanaad ka holcaya dhulka Yahuudu xooga ku haysto, balse in la joojiyo iska daayee marba meel hor leh kasii kacaya.
Arinta la yaabka leh ayaa ah in dowlado sheegta iney Muslimiin yihiin ay markiiba u deg degeen sidii ay u garag istaagi lahaayeen Yahuudda, waxaana arimaha la yaabka leh sidoo kale kamid ah in halka diyaaradaha Reer galbeedka iyo kuwa Carabta ay dalalka Islaamka u yimaadaan sidiii ay u gubi lahaayeen ay hadana dhulka Yahuuddu xooga ku haysato u aadeen sidii dab kacay u damin lahaayeen, waxaana halkan laga dareemayaa khiyaanada caalamiga ah ee la isku waafaqsanyahay ee ka jirta Caalamka aanu ku noolnahay.