Maraykanka oo si caro leh uga jawaabay war kasoo baxay Maxkamadda Dembiyada Caalamiga ah.

618377934386

Maxkamadda loogu yeero Dembiyada Caalamiga ah ee Heg aya war kasoo baxay waxaa lagu sheegay in Ciidamada Maraykanka ee ku sugan dalka Afqaanistan ay geysteen tacadiyaad kala duwan oo ka dhan ah dadka Maxaabiista ah ee ku jiray xabsiyada Ciidamada Maraykanku ku leeyihiin dalkaas intii sanadadii 2003 iyo 2004.

haweeneyda Xeer Ilaaliyaha guud ka ah Maxkamadda Heg ayaa dhawaan sheegtay iney hayaan warbixino muujinaya in Ciidamada Maraykanku ay s xun u tacdiibiyeen islamarkaana kufsi kula kaceen 67 Maxbuus oo lagu hayay xabsiyada Maraykanka ee dalka Afqaanistaan.

Waxay intaas ku dartay haweeneydan in Sirdoonka Maraykanka ee CIA-da iyo ciidamada kale ee Maraykanku ay si wuxuushnimo leh oo aan naxriis ku jirin ula dhaqmaan Maxaabiista, waxaana ay sheegtay iney ku howlanyihiin in baaritaanno dheeraad ah sameeyaan.

Dowladda Maraykanka ayaa si caro leh uga jawaabtay warka kasoo baxay Maxkamadda, waxaana Afhayeenada wasaaradda arimaha dibadda haweeneyda lagu magacaabo Iezapeth ay sheegtay in Maxkamadu asyan xaq u lahayn iney baarto Ciidamada Maraykanka iyo tacadiyaadka ay geysteen uunaya yahay mid aan la aqbali karin, iyadoona intaa ku dartay in Ciidamadu leeyihiin nidaam su’alo lagu waydiiyo oo dowladda Maraykanku dejisay.

Waa shakki la’aan in dowladda Maraykanka ay ka geysatay Caalamka Islaamka tacadiyaad aan lasoo koobi karin oo ka dhan ah Muslimiinta, fadeexadihii Abuu Ghureyb iyo Bagram ayaana weli ah kuwa ku keydsan Aaladda Internetka oo cidii rabtaa ay ka baaran karto.

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.