Masaajidda Muslimiinta ee ku yaala dalka Faransiiska oo la kulmaya tacadiyaad kala duwan.

ÿ
ÿÿQ-
Muslimiinta ku dhaqan dalalka qaaradda Yurub ayaa la kulmaya tacadiyaad kala duwan oo uga imaanaya dhanka muwaadiniinta Reer galbeedka ee ay ku dhex noolyihiin, kuwaas oo si xad dhaaf ah banaanka u soo dhiganaya cadawaada sanado xiriir ah ay qarsan jireen.
Talada dalalkaas ayaa u wareejeysay kooxaha Cunsuriyiinta ah oo gebi ahaanba diida in dad Muslimiin ah ku dhex noolaadaan dalkooda, waxaana cadaawadan ay korortay wixii ka dambeeyay markii madaxtinimada dalka Maraykanka uu ku guuleystay Donald Trump oo ah qof aan qarsan waxa uu laabta ku haysto islamarkaana dhowr jeer sheegay inuu dalka Maraykanka ka saari doono Muslimiinta.
Masji ku yaala dalka Faransiiska gaar ahaan degmada Merignac ayaa habeenkii xalay lagu xadgudbay, waxaana derbiyad Masaajidka lagu qoray hadalo muujinaya nacaybka Reer Farance u hayaan Muslimiinta.
Ha noolaato Faransiiska, iyo Salafiyiintu waa iney ka baxaan dalkeena ayaa kamid ah ereyada lagu qoray derbiga Masaajidka, waxaana war kasoo baxay maamulka Masjidka uu ku sheegay in tallaabadan ay tahay cadaawad bareer ah oo loola soo qasday Masjidka.
Waxay sheegeen in dacwo ay gaarsiiyeen xarunta Booliiska, balse weli majirto war kasoo baxay Faransiiska, waxa dhacayna waxay u muuqdaan arin la isla qabo.