Maxaa u sabab ah shaqa joojinta gaadiidleyda Muqdisho?(Maqal)
Wadayaasha gaadiidka ee Magaalada Muqdisho ka howl gala ayaa shalay shaqo joojin ku dhaqaaqay iyagoo dhigay isu soo bax ay arintaa kaga soo horjeedaan.
Waxay diidan yihiin in ay iska diiwaan geliyaan shirkad lagu sheegay in ay caymis tahay oo heshiis la gashay dowladda federaalka ah taasoo dooneysa in ay gaadiidleyda lacag joogto ah ka qaadato.
Midka mid ah darawalada Magaalada Muqdisho ka howl gala oo u waramay idaacadda islaamiga ah ee alfurqaan ayaa sheegaya in hadafka shirkaddaan iyo dowladda federaalku leeyihiin aanuu dhaafsiisneyn in ay lacag badan qaanadaha ku shubtaan.
Wuxuu intaasi ku daray in dhiibaatada ka jirta Muqdisho maalin waliba sii kordheyso ayna soo badanayaan lacagaha bulshada laga qaadayo iyo dadka la afduubayo si lacag madax furasho ah looga qaato.