Sababtee maraykanku nin cunsuri ah madaxweyne ugu doortay?(Maqal)

trumpDonald Trump oo ah nin cunsuri aad u neceb muslimiinta iyo dadka madow ayaa noqday madaxweyna dalka maraykanka kadib markii uu doorasho uga guuleystay haweeneydii la loolameysay ee Hillary Clinton.

Trump ayaa markuu ololaha ku jiray horay u sheegay in muslimiinta uu ka rari doono maraykanka hadduu ku guuleysto xilka madaxneynanimada maraykanka.

Iminka mudaaharaadyo asiga ka dhan ah ayaa ka socda dalka maraykanka waxaanay dadkaasu ku dhawaaqayaan in aanuu madaxweyne u ahayn.

Aqoon yahan Cabdulaahi Cali Hiirad oo ay wareysatay Idaacadda Islaamiga ah ee alfurqaan ayaa sheegaya in doorashada Donald trump muujineyso wejiga dhabta ah ee dadweynaha maraykanka maadaama ay doorteen nin muslimiinta cadawtooyo xoog leh u haya.

Waxa uu sheegay in wax la qar qariyo ay ka fiican tahay in runta la caddeeyo iminkana maraykanku is cadeeyay .
Xisbiga jamhuuriga ee Donald trump ka tirsan yahay waa xisbi muujiya waxa uu maagan yahay amaba warkiisu cad yahay halka dimuquraadiguna ku dhisan yahay dhagar saa’id ah iyo hoosaasin iyo in uu hoos kaa qalo asigoo kuu dhoola cadeynaya.

HALKAN KA DHAGEYSO WAREYSIGA CABDULLAAHI CALI.

 

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.