Saraakiishii Maraykanka ahaa ee lagu dilay Urdun oo la geeyay dalkooda.
Iyadoo maalintii Jimcaha dalka Urdun lagu dilay Saddex Sarkaal oo Tababarayaal ahaa kana soo jeeda dalka Maraykanka ayaa waxaa maydadka Saraakiishaas la geeyay dalka Maraykanka.
Saraakiishan ayaa lagu dilay saldhiga Al-Faysal oo ah saldhig lagu tababaro Ciidamada Urdun, waxaana dilkooda kasoo baxay warar kala duwan oo is khilaafsan.
Warbaahinta Urdun ayaa sheegay in Saraakiisha la dilay uu rasaas ku furay Askari Urdun ah oo ku sugnaa afaafka hore ee saldhiga, kadib markii ay ka dhega adeegeen inuu joojiyo, balse dowladda Maraykanka masoo saaarin war la xiriira sababta rasmiga ah ee ka dambeysa dilka Saraakiishan.
Ciidamo kumanaan gaaraya oo wata magaca Tababarayaal knaa socoda dowladda Maraykanka ayaa ku sugan dalalka Caalamka Islaamka, kuwaas oo tababaro yo howlo kaleba ka qabta dalalka Muslimiinta, waxaana Askartaas sanadihii ugu dambeeyay lasoo deristay cabsi iyo wal wal ballaaran.