Sarkaal oromo ah iyo aqoon yahan ka hadlay isku shaandheynta lagu sameeyay Golaha Wasiirada Itoobiya.
Ra’iisalwasaaraha maqaarsaarka ah ee tigreegu Itoobiya maamulo ku adeegto ayaa shalay isku shaandheyn ku sameeyay golaha wasiirada ee dalkaas.
Waxay tilaabadaani ka dambeysay markii qowmiyadaha oromada iyo amxaaradu kacdoon tigreega talada isku koobay lidku ah wadeen muddo sanad gaareysa.
Sarkaal ka tirsan oromada xoriyad doonka ah lana yiraahdo amiin cabdalla ayaa sheegaya in tigreegu oromada ka dilay sadax kun oo qof boqol kunna xiratan tahay konton kun oo qofna dhaawacyo qabaan.
Wuxuu sheegay in dhulkoodii iyo dhaqaalahoodi tegreegu ka qaatay asigoo tilmaamay in ilaa xiligii boqorkii amxaarada ee mililiq ahaa la haystay dhulka oromada oo ay gumeysi ku jireen.
Amiin cabdalla oo ay wareysatay midka mid ah idaacadaha reer galbeedka ayaa tilmaamaya in kuwa golaha wasiirada ee itoobiya lagu daray kana soo jeeda oromada ay calooshood u shaqeystyaal yihiin taa micnaheeduna waa in aanay dadka ay ka dhasheen metelin.
Tigrega ayaa wasiirka dibadda Itoobiya u magacaabay nin oromada ka soo jeeda kaasoo horay daba dhilif ugu ahaa tigreega waxaanuu bedelay tedros adhanom oo tigree u dhashay waxaana sababta tedros xilka looga qaaday lagu micneeyay asigoo doonaya in uu u tartamo xilka madaxa hay’adda who la yirahdo ee la sheego in ay caafimaadka aduunka qaabilsan tahay.
Maamulaka tigeega ayaaa xabsiyada dhigay kumanaan amxaaro iyo oromo ah si uu meesha uga saaro kacdoonada asiga ka dhanka ah waxaanuu laayay dad badan welise isu soo baxyadu waa kuwo sii socda.
Dhanka kale aqoon yahan cabdulaahi Cali Hiirad oo isha ku haya xaaladda Itoobiya ayaa wareysi ay la yeelatay Idaacadda Islaamiga ah ee alfurqaan waxa uu ku sheegay in in isbdelka tigreegu sameeyay aanay waxba soo kordhineyn.
Wuxuu sheegayaa in haddii cidda gedoodsan ay xisbiyo ahaa lahayd laga yaabo in xaajadu degi lahayd laakiin iminka arintu intaa ka guda weyn tahay oo waxa kacdoomay ay yihiin shacab gedooday.
Wuxuu intaas ku daray in isku shaandheyntaan lagu qancinayo reer galbeedka oo bari gentaala amaba taageera Itoobiya ee aanay ahayn mid xaaladda Itoobiya iminka ka oogan xal u keeneysa.
Cabdulaahi Cali Hiirad oo warkiisa sii watta wuxuu ka sheegeeyay galaangalka siyaasadeed ee geeska afrika iyo guud ahaan caalamkaba uu u lahaa wasiirka tigreega ah ee iminka la casilay tedros adhanom waxaanuu tilmaamay in dhibaatadiisii laga raysa doono insha allaah.
Itoobiya ayaa u muuqata in ay dhabbihii burburka cagta saartay waxaana dad badan oo halkaa ku dulmanaa u arkaan in maanta ay haystaan fursad qaali ah oo ay tahay in aany beer darrayn amaba qasaarin.
Qowmiyadda amxaarada ayaa dooneysa in ay soo ceshado xukunka oo xoog looga fara maroojiyay 1990-kii halka oromaduna ay dooneyso in ay iskeed isu maamusho, weliow ay jiraan xubno siyaasiyiin ah oo ka soo jeeda qabana in aan Itoobiya la bur burin balse ay tahay in tigreega laangaabka ah talada laga qaado.
Halkaan Ka Dhageyso Codka Amiin-Cabdalla
Halkaan Ka Dhageyso Wareysiga Cabdulaahi Cali Hiirad