Sarkaal sare oo Iiraani ah oo lagu dilay dalka Suuriya.

vvvvv

Wararka ka imaanaya dalka Suuriya ayaa sheegaya in sarkaal sare oo katirsan dowladda Iiraan lagu dilay dagaallada ka socoda dalka Suuriya.

Sarkaalka dhintay oo lagu magacaabo Muxamed Muzaaric kana mid ah saraakiisha kacaanka Iiraan ee ku sugan dalka Suuriya ayaa warbaahinta Iiraan waxay sheegeen in dhaawac uu kasoo gaaray dagaallada ka socoda dalkaas ee lagula jira Jamaacaadka Jihaadiga iyo kuwa kacdoonka, waxaana uu u geeriyooday dhaawacaas.

Saraakiisha sar sare ee Iiraan iyo warbaahintooda ayaa qiray in Muxamed uu dowr ballaaran ka cayaaray dagaallada ka socoda dalka Suuriya, wuxuuna kamid ahaa saraakiisha sida joogtada ah ugu sugnaa mudooyinkii dambe dalka Suuriya.

Dhimashada Sarkaalkan ayaa sii badineysa tirada Saraakiisha ee looga dilay Iiraan dagaalka Suuriya, waxaana wadarta guud ee saraakiisha iyo ciidamada Iiraan uga dhintay Suuriya ay markan gaareen kun Ruux, inkastoo laga yaabo iney jiraan tiro intaas kabadan oo la qarinayo.

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.