Tobanaan kun oo Ruux oo maalinkii Afaraad dhigaya Banaanbaxyo ka dhan ah Trump.
Wixii ka dambeeyay maalintii Arbacada oo lagu dhawaaqay in Donalad Trump uu yahay madaxweynaha rasmiga ah ee dalka Maraykanka, waxay dibad baxyo waaweyn oo ay dhigayaan dadka Maraykanka ah ka soconayaan gobollo kala duwan oo katirsan dalkaas.
Tobanaan kun oo Ruux oo Ameerikaan ah ayaa isugu soo baxay wadooyinka magaalooyin kala duwan oo katirsan gobollada dalka Maraykanka, kuwaas oo kasoo horjeeda guusha uu gaaray Donald Trump oo ay u arkaan inuu yahay qof aan qaban karin Jagadaas, uuna yahay qof waalan.
Magaalooyinka ugu weyn ee Dibadbaxyadu maalintii Afaraad ka socodaan waxaa kamid ah Newyork, Shekago, Lons Angles, Martland, iyo magaalooyin kale, waxaana dadka ay wataan boorar ay ku xardhanyihiin, kani ma ahan Madaxweynahayga.
Dadka Banaanbxyada dhigaya ayaa u arka Donalad inuu yahay shakhsiyad liidata oo aan awood u lahayn maamulida Maraykanka iyo inuu qaldo Jamaahiirta Muslimiinta uuna u sheego inuu naba doonyahay, waxayna kasoo horjeedaan hadalada sida saraaxada ah uu ugu sheego inuu kasoo horjeedo Muslimiinta iyo dadka madowga ee dalka Maraykanka.
Meelaha qaar waxaa jira iska hor imaadyo u dhexeeya Ciidamada Booliiska iyo dadka Banaanbaxyada dhigaya, waxaana dadka qaar ay gubeen calanka Maraykanka halka qaarkood ay jeex jeexeen, waana muuqaal aan horey looga baran in lagu arko gudaha Maraykanka tobanaankii sano ee u dambeysay.
Dadka Muslimiinta ah ayaa ku tilmaamaya waxa heysta Maraykanka Natiijada ka dhalatay dulmigii sanooyin xiriir ah iyo illaa iyo hadda uu ku hayo Muslimiinta Caalamka, waxaana sawirada lagu baahinayo baraha bulshada ee ku saabsan Banaabaxyada markaad aragto dib kuugu soo dhacayo bananbaxyadii Guga Carbeed ee ka dhacayo wadamo badan oo katirsan Caalamka Islaamka.
Haddii ay sidan kusii socdaan dibadbaxyadan waxay ka dhigantahay in Maraykanku cagta saaray dhabbihii Burburka, islamarkaana dhaqaalihiisa gabaabsiga sii ahaa uu si buuxda u burburo, waana arin faa’ido u ah dadka Muslimiinta ah maadaama Maraykanka uu yahay dowladda ugu weyn ee dagaalka kula jirta Muslimiinta.