Weerar Dhabagal ah oo loo dhigay Ciidamo katirsan Shisheeyaha oo marayay duleedka degmada Mahadaay.

sawir-20

Sida ay sheegayaan wararka kusoo dhacaya warqabadka Idaacadda Islaamiga ah Al-Furqaan, ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-shabaab ayaa weerar dhabagal ah u dhigay ciidamo katirsan kuwa Burundi oo marayay duleedka degmada Mahadaay ee gobolka Shabeellaha dhexe.

Ciidamada Mujaahidiinta oo sida muuqata macluumaad dheeri ah ka hayay kolonyada Ciidamada Burundeeska ah ayaa u suura gashay in markii ay Ciidamadu marayeen deegaanka Jahaweyn ay rasaas kulul ku billaabaan, halkaasna waxaa ka dhacay dagaal kulul oo hubka noocyadiisa kala duwan la isku adeegsaday.

Wararka horudhaca ah ee kusoo dhacaya warqabadka Idaacadda Al-Furqaan ayaa ku waraaya in halkaas ciidamada Shisheeyha Burundi looga gubay hal gaari oo nooca Towga ah kaas oo Shisheeyuhu goobta kaga carareen, halka labo baabuur oo kalana ay waxyeello soo gaartay, waxaana xusid mudan in goobta  lagu dilay 7 Askari oo ciidamo Burundees ah.

Waxaa suuragal ah in khasaarahu intaas kabadanyahay balse weli ma helin faafaahin intaas kabadan, waxaana weerarkan Dhabbagalka ah uu kusoo beegmayaa iyadoo dhawaan war kasoo baxay wasaaradda Gaashandhiga dowladda Burundi lagu sheegay in ciidamadeeda kala bixi doono Soomaaliya maadaama sideed bilood oo xiriir ah aan la siin wax mushaaraad ah.

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.