Weerar Kaligii duulnimo oo ka dhacay Maraykanka oo uu fuliyay Wiil Soomaali ah.

Weerar loo adeegsaday Mindi iyo baabuur ayaa ruux Soomaali ah wuxuu maalintii shalay ku qaaday jaamacadda magaalaa Colombus ee gobolka Ohie, iyadoona uu khasaare geystay.
Ruuxan Soomaaliga ah oo kamid ahaa Ardeyda Jaamacadda ayaa jiiray islamrkaana tooreeyay dad farabadan oo ku sugnaa gudaha iyo afaafka Jaamacadda, waxaana daqiiqado kadib goobta soo gaaray ciidamada Booliiska Maraykanka oo dilay Wiilka Soomaaliga ah.
Khasaaraha guud ee ka dhashay weerarkan kaligii duulnimada ah ayaa lagu sheegay dhaawaca 11 Ruux oo qaarkood ay dhaawacyadoodu halis yihiin.
War kasoo baxay Booliiska Maraykanka ayaa lagu sheegay in wiil lagu magacaabo Cabdi Rizaaq Cali Cartan oo da’ ahaan jira 18 sano uu ka dambeeyay weerarka, islamarkaana Booliisku toogteen, waxaana ay ka gaabsadeen saraakiisha Booliiska iney bixiyaan faafaahin intaas kabadan.
Gudoomiyaha Gobolka Ohie oo qagtay shir jaraa’id daqiiqado kadib weerarka ayaa sheegay in weerarkan lagu qaaday Jaamacadda Ohie uu yahay mid dadka ka caraysiinaya.
Saraakiil katirsan Amaanka oo la hadlay wakaaladda Reuters ayaa sheegay in weerarkan uu wato calaamado muujinaya inuu yahay weerar Kaligii duulnimo ah oo uu fuliyay ruux isku bedelay Argagaxiso, waa sida ay hadalka u dhigeene, islamarkaan weli socoto baaritaanno la xiriira ogaanshaha sababta rasmiga ah ee Cartan ku riixday fulinta weerarkan.
Ciidama katirsan FBI-da ayaa xoog ku galay guriga ay magaalada Ohie ka deganyihiin ehelada Cabdi Rizaaq, waxaana ay baaritaan kula dhaqaaqeen dadkii ku sugnaa guriga oo ay sidoo kale weydiiyeen su’aalo badan.
Xiisadihii ka harsnaa Jaamacadda ayaa la fasaxay kadib weerarka, waxaana sare loo qaaday xaaladda deg dega ah ee magaalada Ohie, iyadoona laga baqayay weeraro hor leh, waxaana Jaamacadda uu weerarku ka dhacay lagu tiriyaa jaamacadaha ugu weyn dalka Maraykanka waxaana dhigta Arday gaareysa 60 kun oo Ruux.
Weerarkan ayaa imaanaya iyadoo weerar kan lamida ah uu bishii Septembar ka dhacay magaalada Saint-Cloud ee gobolka Minnesota, islamarkaana lagu dhaawacay 10 Ruux, waxaana qofka weerarkaas fuliyay uu ahaa Ruux Soomaali ah, iyadoona ay Booliisku goobta ku toogteen.