Yahuudda oo si kal iyo laab ah usoo dhaweeyay madaxweynaha Cusub ee Maraykanka.

441-2

Iyadoo cod bixintii maalintii shalay ka dhacday gobollada dalka Maraykanka ay Ameerikaanku ku doorteen in Donald Trump noqdo madaxweynaha sanadaha soo socoda maamuli doona Aqalka Cad ayaa waxaa arinkaas aad ugu farxay maamulka Yahuudda.

Siyaasadaha gurracan ee uusan qarsan kana dhan ah Muslimiinta ayay maamulka Yahuuddu u arkaan iney tahay fursad soo martay oo ay ku burburin karaan inta hartay Muslimiinta Filastiin ayna ku hor istaagi karaan dowladda ay wataan Reer Galbeedka ee lagu sheego iney leeyihiin Filastiiniyiinta.

Wasiirka Waxbarashada maamulka Yahuudda ayaa markii uu soo baxay Trump kana guuleystay Clinton ku tilmaamay tallaabadan mid wanaagsan oo hadiii ay Yahuud yihiin fursad u siineysa sidii khariirada uga tiri lahaayeen wax la yiraahdo dowlad Filastiini ah.

Naftaani Biinit oo sidoo kale ah madaxa xisbi siyaasadeed ka dhisan dhulka Yahuudda xooga ku haysato ayaa maamulka Yahuudda ka codsaday iney ka laabtaan fakarka ah in la dhiso maamul Filastiiniyiintu leeyihiin.

Dhanka kale Xisbiga Cadaaladda la magac baxay ee Yahuuddu leeyihiin ayaa Donald Trump ka codsaday inuu ka dhabeeyo ballan qaadkiisii ahaa in Safaaradda Maraykanka ee Talla’biib uu kasoo rari doono islamarkaana dejin doono magaalada barakeysan ee Al-Qudus.

Ra’iisul wasaaraha Yahuudda ayaa dhankiisa soo dhaweeyay madaxweynaha cusub ee Maraykanka, wuxuuna ku tilmaamay inuu yahay saaxiibka dhabta ah ee ay leeyihiin Yahuudda.

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.