Aala-Sucuud oo dil Toogasho ah ku xukumay Tobaneeyo Ruux.

151228-saudi-king-salman-yh-1119a_ecbd939b2e642d1342ee24a2514b1836-nbcnews-ux-2880-1000

Maxkamad ku taalla magaalada Al-Riyaad ee caasimadda maamulka Aala-Sucuud ayaa xukun toogasho ah ku riday Tobaneeyo Ruux, kuwaas oo ay ku eedeysay iney basaas u ahaayeen dowladda shiicada Iiraan.

Aala-Sucuud ayaa dadkan la xukumay oo tiradoodu gaareyso 30 Ruux waxay ku eedayeen iney damacsanaayeen howlgelinta unug jawaasiis ah oo u shaqeysa Sirdoonka Iiraan.

Sida ay sheegayaan Warbaahinta, waxaa raggan gacanta lagu dhigay sanadkii 2013 waxaana markaas lagu eedayay iney u shaqeeyaan Sirdoonka Iiraan, iyadoona dacwadooda ay saddex sano oo xiriir ah soo jiitameysay.

Sodonka Ruux ee la xukumay ayaa waxay kasoo kala jeedaan Xaramaynka, Afqaanistaan iyo weliba dalka Iiraan.

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.