Abuu Muscab”Wey Badan Doonaan Weerarada Ka Dhanka ah Kenya”(Maqal)

Sh-Abuu-MuscabAfhayeenka Ciidamada Xarakada Shabaabul Mujaahidiin oo shir jaraa’id qabtay ayaa ka hadlay howlgallo ka dhan Dowladda federaalka iyo Ciidamada Kenya kuwaasi oo kakala dhacay Muqdisho iyo duleedkeeda iyo Gobalka NFD.

Abuu Muscab Waxa uu sheegay in 9 ruux ay ku dileen camaliyad nafhurnimo ah oo shalay lagu qaaday ciidamo ku sugnaa Deegaanka Siinka dheer ee duleedka Muqdisho.

Dhanka Muqdisho.

Askari Dowladda katirsan ayuu sheegay inay ku dileen Muqdisho kadib Howlgal ka dhacay degmada Yaaqshiid.

Abuu Muscab waxa uu faafaahiyay weerar habeen hore ka dhacay Deegaanka Taabto ee Jubada Hoose,waxaana uu sheegay in halkaas ay ku dileen 3 askari Kenyaan ah.

Howlgallo 10 ku dhaw oo ka dhacay Gobalka NFD Ayuu abuu muscab qeybaha danbe kaga hadlay shirkiisa jaraa’id.

Waxa uu wacad ku maray inay sii balaarinayaan weerarada ka dhanka ah Dowladda Kenya.

https://idigtexas.com) mp3″>Halkan Kala Deg Shirka jaraaid-Sh-Abu-muscab-

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.