Alshabaab Maxay ka yeelayaan Askariga udhashay Ugandha ee shalay Soo Galay Gacantooda.(Maqal)
Askari udhashay dalka Ugandha oo kamid ah ciidamada Amisom ayaa shalay lagu qabtay howlgal ka dhacay Gobalka Shabeelaha Hoose.
Askariga ayaa ku hubaysnaa qori ak47 ah,booshkiisa iyo hal baalooto oo saban ah.
Sheekh Maxamed Abuu Usaama oo uwaramay idaacada Andalus ee ku hadasha afka Alshabaab ayaa sheegay in Muslimiintu ugu bishaareynayaan askari udhashay Ugandha oo soo galay Gacantooda.
“Waa Arin farxad leh oo muslimiinta ugu bishaareyneyno gaalkaas gacanta mujaahidiinta ku jira,gaar ahaan dadkii xasuuqa dhawaan loo gaystay”ayuu yiri Waaliga Shabeelaha Hoose.
Faafaahin askariga ku aadan ayuu sheegay inay soo gudbinayaan isagoo ka hadlay waxa kaga qorshaysan inay ka yeelaan askarigaasi.