Ciidamada Ugandha oo Laba Qof Ku Dilay Buulo mareer.

amisomQarax Miino oo aad looga maqlay magaalada Buulo mareer ee shabeelaha Hoose ayaa lala eegtay kolonyo ay la socdeen ciidamo udhashay Dalka Ugandha oo qeyb ka ah shisheeyaha kusoo duulay Soomaaliya.

Xog ay heshay idaacada alfurqaan ayaa tilmaamaysa in qaraxa lagu dilay sadax askari, waxaana dhaawac ah laba kamid ah Ciidamada.

Sida Looga bartay Ciidamada shisheeye gaar ahaan kuwa Ugandha qaraxa kadib waxa ay gabood fal ka gaysteen Magaalada.

Ciidamada kuwooda badbaaday ayaa goobta ku hakaday, waxaana ay fureen rasaas xoogan oo ay ku dhinteen laba kamid ah shacabka ku dhaqan Magaalada Buulo mareer.

Nin kamid ah dadka deegaanka oo la hadlay Alfurqaan ayaa usheegay in Ciidamada Sidoo kale ay Qori RBG ah Ku dhufteen Guri kamid ah guryaha Magaalada Halkaasna waxaa ku dhaawacmay mid kamid ah dadka deegaanka kaasi oo loo qaaday Magaalada Muqdisho.

Ma ahan markii ugu horeysay oo ciidamada shisheeye ay shacab ku dileen gobalka shabeelaha hoose.

(https://matchkicks.com/)

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.